Bangiga Premier Bank ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee “Outstanding African Banking Brand Award”, taas oo lagu guddoonsiiyay xafladda sanadlaha ah ee African Leadership Magazine Africa Summit oo lagu qabtay magaalada London.
Abaalmarintan ayaa lagu siiyay doorka uu bangigu ka qaatay hal-abuurka adeegyada maaliyadeed, kobcinta nidaamka maaliyadeed ee qaaradda Afrika, iyo saameynta muuqata ee uu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha gudaha iyo kan gobolka.
Guddoomiyaha Premier Bank, Jibriil Xasan Maxamed, ayaa abaalmarinta si rasmi ah uga guddoomay Dr. Jakaya Kikwete, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Tanzania.
Qoraal lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Premier Bank ee Facebook-ka, ayaa lagu yiri:
“Waxaan si weyn ugu faraxsanahay ku guuleysiga Abaalmarinta ‘Outstanding African Banking Brand Award’ oo ay nagu maamuustay madasha African Leadership Magazine Africa Summit, oo sanadkan lagu qabtay magaalada London.”
Sidoo kale, qoraalkaasi ayaa xusay in abaalmarintan oo uu u guddoomay Guddoomiyaha Premier Bank, Jibriil Xasan Maxamed, lagu lagu aqoonsaday doorka hogaamineed ee hal-abuurka, tayada adeegyada, iyo saameynta muuqata ee uu bangigu ku yeeshay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee qaaradda Afrika.”
Premier Bank, oo ah bangi saldhiggiisu yahay Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe kor u qaaday sumcaddiisa maaliyadeed ee gobolka, iyadoo xoogga la saarayo dijitaleynta adeega, maalgelinta ganacsiga yaryar, iyo bixinta adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka.
Madasha African Leadership Magazine Africa Summit, oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah magaalooyinka caalamka, ayaa lagu aqoonsadaa haldoorka ganacsiga iyo hoggaamiyeyaasha isbeddel sameeyayaasha ah ee Afrika. Sannadkan 2025, shirka ayaa diiradda saarayay sidii loo dardargelin lahaa kobaca loo dhan yahay iyo maalgelin waarta.
Guushan Premier Bank ayaa ah mid xoojinaysa dadaalladiisa lagu ballaarinayo saameynta gudaha iyo gobolka, taasoo ka dhigi karaysa in uu yahay bangi hufan oo Afrikaanku leeyahay.