Barnaamijka LEAP oo ay iska kaashadeen Bangiga Premier Bank, Direct Aid, Jaamacadda Simad iyo Simad iLab ayaa lagu abaalmariyay 25 Ganacsi oo Hal-abuur Leh
Machadka Hal-abuurka & Ganacsiga ee Jaamacadda SIMAD (SIMAD iLab), oo kaashanaya Premier Bank iyo Direct Aid, ayaa ku dhawaaqay guuleystayaasha qeybta koowaad ee Barnaamijka Maalgelinta Ganacsiyada Yaryar ee LEAP.
Barnaamijkan ayaa lagu bixiyay maalgelin dhan $300,000, oo ah deyn waafaqsan shareecada Islaamka (oo aan lahayn faa’iidada muraabaxo), taasoo lagu taageerayo 25 ganacsi oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay hoggaaminayaan, kuwaas oo soo bandhigay hal-abuuro wax ku ool ah oo gacan ka geysanaya horumarinta dhaqaalaha dalka.
Guuleystayaashan waxaa lagu doortay tartan adag oo ay ka qayb galeen 100 codsade; 57 ganacsi ayaa soo gudbay wareegii koowaad, halka wareegii labaad ay si xirfad leh ugu tartameen, ugu dambeyntiina 25 shirkadood oo saameyn muuqata leh ayaa helay maalgelintan:
• Beeraha iyo cunnada
• Kalluumeysiga iyo warshadaha badda
• Xalalka Teknooljiyada
• Dhismaha iyo horumarinta
• Adeegyada iyo martigelinta
• Warshadaha hal-abuurka
Barnaamijka LEAP waxa uu ka kooban yahay maalgelin, tababaro, latalin iyo adeegyo horumarineed si dhalinyarada loogu xoojiyo ganacsigooda loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo waara.